Home Wararka Somaliya Madaxda Maamul Gobaleedyada oo Bilaabay shirar kala duwan

Madaxda Maamul Gobaleedyada oo Bilaabay shirar kala duwan

0

Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada ee Magaalada Muqdisho u jooga ka qeyb galka shirka Arrimaha doorashooyinka ee ka socda Xerada Afisiyooni ayaa kulamo kala duwan waxaa ay ka wadaan magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku qaabilay Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka DFS, Haweenka Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka, iyo haweenka bulshada rayidka ah.

Kulanka ayaa looga hadlay ilaalinta qoondada Haweenka Soomaaliyeed ee Doorashooyinka iyo sidii loo tixgalin lahaa cabashadooda.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay hormuudka haweenka Soomaaliyeed ee ku jira golayaasha kala duwan ee Dowlada iyo ururada u dhaqdhaqaaqa ka qeybgalka haweenka ee arimaha Siyaasada.

Madaxweynaha ayaa u balan qaaday haweenka Soomaaliyeed inuu  u halgami doono sidii ay xaqa ay leeyahiin uga heli lahayeen heerarka kala duwan isla markana uu ka shaqaynayo sidii doorashooyinka dhawaan dhacaya ay uga heli lahayeen qoondo ku filan.

Maalinta Berito oo Khamiis ah ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Muqdisho lagu soo geba-gabeeyo shirka wadatashiga Arrimaha doorashooyinka ee ka socda Magaalada Muqdisho.

Ad
Previous articleMadaxweynaha Galmudug oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya {SAWIRO}
Next articleLiiska Golaha Deegaanka Balnbale oo La shaaciyay (Akhriso)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here