Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa taliyeyaal Cusub waxaa uu u Magacaabay Saldhiga Booliska Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug iyo Saldhiga Booliska degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.
Wareegto kaso baxay Xafiiska Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa xilka Taliyaha Booliska Magaalada Dhuusamareeb loogu Magacaabay Gaashaanle Maxamed Xasan Warsame, halka Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan loo Magacaabay Dhame Nuur Cilmi Maxamed.
Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa taliye kuxigeenka qeybta Guud ee Booliska Gobolka Mudug waxaa uu u Magacaabay Gaashaanle Maxamed Mire Maxamuud, kaas oo hore u ahaa Taliyaha Booliiska Dhuusamareeb.
Ugu dambeyn Taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa amray Taliyaha qeybta Guud ee Booliska Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug in uu howlgeliyo saraakiisha la Magacaabay, isla markaana uu u dalbo xaquuqda ay leeyihiin.
Ciidanka milatariga dalka Sudan , ayaa weerar culus oo u muuqda soo afjarid ku qaaday saacado kahor goobaha ay magaalada Khartuum kaga sugan yihiin ciidanka gurmadka deg degga ee RSF,
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad qeybta 60-aad ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ka fuliyay deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay. Saraakiisha hoggaamineysay
War kasoo baxay Hay'adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidanka Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, oo howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir
Wafdi sare oo ka socda dawladda Imaaraatka Carabta, uuna hogaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada ee Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, ayna ku jiraan saraakiil sarsare oo ciidan iyo diblumaasiyiin galabta
Ekrem Imamoglu, Duqa Istanbul ahna hoggaanka xisbiga mucaaradka, tartan xooganna kula jira Madaxweyne Erdogan, ayaa saaka xabsiga loo taxaabay asaga iyo 100 siyaasi oo kale oo mucaaradka ah. Imamoglu waa
Ad