Home Wararka Somaliya Guddiga xalinta Khilaafaadka Doorashada oo Gudoomiye cusub doortay

Guddiga xalinta Khilaafaadka Doorashada oo Gudoomiye cusub doortay

0

Xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka dalka ayaa maanta doortay guddoomiyaha cusub ee guddigaas, kadib doorasho ka dhacay Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Fadhiga doorashada maanta ka dhacday Afisyooni waxaa soo xaadiray ilaa 18 xubnood, waxayna guddoomiyaha cusub u doorteen Xuseen Maxamed Maxamuud oo helay dhamaan 18-kii cod.

Doorashada guddoomiyaha maanta la doortay ayaa imaaneysa kadib markii uu dhawaan magaalada Muqdisho ku geeriyooday guddoomiyahii guddigan Xilinta Khilaafaadka doorashooyinka Cabdullaahi Abyan Nuur.

Guddigan Xalinta Khilaafaadka ayaa shaqadoodu tahay Xalinta Khilaafyada ka dhasha howlaha doorashooyinka dalka, iyagoona horay goobjoogayaal uga soo noqday doorashooyinkii Aqalka sare oo ay qabteen maamul goboleedyada dalka marka laga reebo Hirshabeelle oo aanan wali qaban wax doorasho ah.

Ad
Previous articleRa’isul Wasaaraha Dalka oo la kumay Qoyska iskraan Tahliil
Next articleXaalad adag oo Deg Deg ah ayaa ka jirta Wadanka Guinea

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here