Home Wararka Maanta Maxaa ka jira in Liyu Booliska aysan haysan hub culus oo ay...

Maxaa ka jira in Liyu Booliska aysan haysan hub culus oo ay kula dagaalami karaan Al-Shabaab?

0

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafa Muxumed Cumar ayaa ka hadlay dagaalkii ay dhawaan ciidammadiisa Liyuu booliska ay la galeen Shabaabka.

Mustafa oo ka jawaabayay su’aalo ay weydiiyeen xubnaha Golaha baarlamaanka deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in dagaalka uusan wali fari ka qodneyn islamarkaana aan la joogin xilli la sheegta guul ama guul darro.

“Waxaa laga joogaa 10 malamood markii uu billowday weerarkii Al Shabaab. Xilli  aan guul ama guul darro sheeganno midna lama jogo, “ ayuu yiri Mustafa.

Wuxuu intaasi ku daray in ciidammadiisa ay Jawaab deg deg ah ka bixiyeen  “Khatar soo wajahnayd.”

Ururka Al-Shabaab ayaa  sheegay in dagaalkii ay la galeen ciidammada Liyu Booliska ee deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ay ku dileen in ka badan 100 askari. Sawirro ay ku sheegtay inay yihiin meydadka askartaasi ayay kooxdu soo dhigtay baraha bulshada.

Faahfaahin kooban oo ururka Al-shabaab uu dagaalka ka soo saaray wuxuu ku sheegay in fariisimo ay ciidamada Liyuu booliska ka smeysteen deegaanka Caato ee gobolka Bakool ay cagta mariyeen, hub iyo saanado ciidanna ay ka furteen.

Madaxweyne Mustafa ayaa qiray inuu jira khashaare soo gaaray ciidammadiisa balse  faahfaahin kama uusan bixnin arrintaasi.

“Dhabcan haddii  dagaal la galaa  dhibaatooyin way ku soo gaarayaan ciidamada. Kalfadhigan kan xiga lix bilood ka dib waxaan filayaa inay suurtagal noqoto inaan Shabaab ka guuleysanay inaan si dhab ah u xaqiijinno,” ayuu yiri madaxweyne Mustafa oo ka jawaabayay su’aalahan xubnaha baarlamaanka oo sidoo kale looga hadlayay  arrimo ay ka mid yihiin  halka ay marayaan mashaariicda hormarineed ee ka socdo deegaanka iyo waxa ay dowladdisa ka qabanaysa maciishadda sare u sii kaceyso

Carruurtii ay ka tageen  Askartii la laayay

Mamulka dowlad deegaanka ayaa ballan qaad u sameeyay qoysaska ay ka tageen askartii dhawaan lagu dilay dagaalladaasi. Madaxweynaha ayaa sheegay in kulan loo qabtay xaasaskii askartii la laayay loona smeyeay ballan qaad ah inuu sii socon doono misharaadkii ay dowladda siin jirtay raggoodii la dilay.

“Qofka askeriga ah ee dalka difaacaya maalinkuu dhinto in mishaarkiisa laga hadlo ma ahan. Waxaan qaadannay go’aankaasi ciidankana kalsooni gelinnnayo.”

Mustafa ayaa intaasi ku daray, “xaasaskii dhallinyardii  ku shahiiday Caato waa  la soo kaxeeyay. Si cad baan uga howlgalnay. Waxaan qaadannay fikrado wax ku ool ah oo dhanka mishaarka ah oo carruurta ay dhallinyardaasi ka tageen ilaa iyo 18 sano jir ka gaarayaan in dowladda ay sii waddo bixinta mishaaraadkoodii.”

 

 

 

Ad
Previous articleUgu yaraan 20 qof oo ku dhimatay daadad ku dhufatay dalka Uganda
Next articleGolaha Wasiirada oo saacadaha soo aadan la shaacin doono iyo xogtii u dambeysay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here