Home wararka caalamka WHO oo qorsheyneysaa inay tallaasho ugu yaraan 20% Afrika iyo COVID

WHO oo qorsheyneysaa inay tallaasho ugu yaraan 20% Afrika iyo COVID

0

Agaasimaha gobolka ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Afrika ayaa Arbacadii sheegay in hay’adda caafimaadka ee caalamiga ah ay qorsheyneyso in ugu yaraan 20% dadka qaaradda laga tallaalo COVID-19.

Dr. Matshidiso Moeti ayaa ku sheegtay shir teleconference ah in dhamaan wadamada Afrika ay isu diyaariyaan talaalka COVID-19, iyadoo intaa ku dartay WHO inay qorsheyneyso inay fuliso sida ugu dhaqsiyaha badan.

Moeti oo sii hadlaya ayaa xusay in WHO ay la xiriirineyso wadamada Afrika talaalka isla markaana ay hada qiimeyneyso awoodaha saadka ee wadamada.

Afrika illaa iyo hadda waxaa laga soo sheegey in ka badan laba milyan oo la xaqiijiyey kiisaska coronavirus halka tirada dhimashadu ay kor u dhaaftay 48,000.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here