Home Wararka Maanta Dagaalo Markale saaka ka dhacay degaan ku dhow xadka Somalia iyo Itoobiya

Dagaalo Markale saaka ka dhacay degaan ku dhow xadka Somalia iyo Itoobiya

0

Sida ay sheegayaan Wararka ka imaanaya deegaanka Aato ee gobolka Bakool Al-shabaab ayaa saaka weerar madaafiic ah ku weerareen xaafado ka tirsan degaankaas.

Duqeynta ayaa laga maqlay dhammaan degaanka Aato iyo nawaaxigeeda sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Madaafiicda ayaa la tilmaamay in ay ku dhaceen xaafado ay deganyihiin dad shacab ah iyo saldhig ciidan oo ku yaalla gudaha deegaanka Aato.

Goob-joogeyaal ayaa sheegay inay jiraan dagaalo toos ah oo saacado qaatay kuwaasoo dhexmaray ciidanka dowladda ee halkaas ku sugan iyo xoogaga Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Weerarka madaafiicda iyo dagaalka dhacayba waxaa ka dhashay khasaara kala duwan inkastoo aan la xaqiijin karin inta ay gaarsiisan yihiin maadaama hawada laga saaray isgaarsiinta degaankaas.

Degaanka Aato oo ka mid ah degaanada dhaca xadka Somalia iyo Itoobiya ayaa waxaa uu ka mid yahay goobihii ay dhowaan ku dagaalamaeen Al-shabaab iyo ciidanka Liyu Boolis ee dowlad degaanka Soomaalida

Ad
Previous articleMareykanka oo Soomaaliya ugu deeqay 111,150 qiyaasood oo ah tallaalka COVID-19
Next articleKhaadkii Ka imaan Jiray Kenya oo Markale Maantay La Joojiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here