Home wararka caalamka Dagaalkii la socday Dalka Itoobiya oo aad u xoogeystay

Dagaalkii la socday Dalka Itoobiya oo aad u xoogeystay

0

Dagaalka ka socda gobolka Tigrey-ga ayaa sii xoogeystay, iyadoona kumanaan dad ah ay ku barakeen

Gobalka Tigreyga ee dalka Itoobiya waxaa ku dagaallamaya ciidamada dowladda federaalka Itoobiya iyo kuwo ka amar qaata xisbiga TPLF ee xukuma gobalka Tigrey.

Dagaalka ayaa socdo in ka badan laba toddobaad iyadoo ciidamada Tigreygu ay gantaallo ku garaaceen caasimadda deegaanka Amxaarada ee Bahir daar iyo magaalada Gonder .

Sidoo kale Ciidamada Tigreyga ayaa gantaallo ku garaacay caasimadda Eretariya ee Asmara,sida uu xaqiijiyay hoggaamiyaha gobolka Tigray ee dalka Ethiopia Debretsion Gebremichael.

Inkasta oo dadka wax falanqeeya ay sheegayaan in mamaulka Tigrey uusan haysan awood Millatari oo gaar ah haddana waxaa la sheegayaa in ciidamadii Millatarigu ay dhawaan weerareen ciidamada mamaulkaasi intii ay laayeen mooyaane intii kale ay mamaulkaas raaceen taas oo ka dhigan in hubkii ciidamadaasi ay wateen uu gacanta u galay ciidamada mamaulka Tigreyga.

Balse waxaa la qiyaasayaa in celcelis ahaan uu maamulka Tigrey haysan karo ilaa laba boqol oo kun oo ciidan marka la isku daro Millatariga booliska iyo meleshiyaad hubeysan oo deegaanka ah .

“Waxey ka koobantahay awoodooda Millatariga Ciidankii Milatariga ee maalintii dhawed ay weeraren intii iyaga ka raacday maadaama ciidankaasi ciidan badan oo hub badan haysta ahaa marka ciidankii ay laayen mooyee ciidankii kale ee iyaga xagooda ahaa iyo wixii ay isku jaf-jafteen ilaa 20 kun oo Millatari ah iyo 100 kun oo boolis ah iyo meleshiyo hubeysan oo deegaanadooda ah intaas oo haddii la isku celceliyo ilaa laba boqol oo kun ayay haysan karaan Tigreygu wakhtigaan ” ayuu yiri Jeneraal Doolaal Xalxaal oo khabiir Millatari

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here