Home Wararka Maanta Madaxweyne Farmaajo oo Magacaabay Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya

Madaxweyne Farmaajo oo Magacaabay Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya

0
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xeer Madaxweyne ugu magacaabay Prof. Maxamed Cabdullaahi Ciise (Dheere) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.
Prof. Maxamed Dheere ayaa xilligan muhiimka ah kusoo biirinaya maamulka Xafiiska Madaxweynaha khibrad shaqo oo kor u dhaafaysa 28 sanadood, wuxuuna si gaar ah uga soo shaqeeyay arrimaha siyaasadda, maamulka iyo horumarinta bulshada.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Agaasimaha cusub inuu si hufan u guto hawlaha muhiimka ah ee haatan horyaalla, wuxuuna Alle uga baryay inuu u fududeeyo masuuliyaddan culus ee loo igmaday.
Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Agaasimihii hore oo haatan loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisaciid Muuse Cali sidii xilkasnimada ahayd ee uu usoo hoggaamiyay Xafiiskan muddadii koobnayd ee uu xilka hayay.
Ad
Previous articleDoorashadii ugu adkeed oo Maanta ka dhacaysa Dhuusamareeb
Next articleXildhibaan C shakuur Cali Miri oo Loo doortay Xildhibaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here