Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Wararkii ugu Danbeeyey ee Qaraxii Baladweyne iyo Dad badan oo Ku Dhintay(Sawiro)

Wararkii ugu Danbeeyey ee Qaraxii Baladweyne iyo Dad badan oo Ku Dhintay(Sawiro)

0

Qarax ismiidaamin ah uu fuliyay ruux waxyaabaha qarxa jirkiisa kusoo xiray ayaa maanta isku dhax qarxiyay maqaayad lagu magacaabo Xasan Dhiif oo kutaala meel ku dhaw xarunta maamulka Gobolka Hiiraan.

Sida wararka aan ku heleyno ninkan waxyaabaha qarxa isku soo xiray ayaa beegsaday goob dad badan kaga sugnaayeen maqaayada, waxaana xilliga uu qaraxu dhacayay maqaayadu aheyd mid aad u mashquul badan.

Dadka qaraxa ku dhintay ayaa wararku sheegayaan in ay ku dhaw yihiin tobon qof, waxaana ku dhaawacmay dad intaas ka badan kuwaa oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo isbitaalada kuyaala magaalada Baledweyne.

Wararka ana helnay ayaa sheegaya in dadka qaraxa ku dhintay uu ku jiro musharax xildhibaan oo u sharaxnaa kursiga tirsigiisu ahaa HOP03 oo lagu magacaabayay Maxamed Cabdullaahi Nuur, waxaana kursiga uu u sharaxnaa ku fadhiyay Xildhibaan Beene Beene.

 

Maqaayada qaraxu ka dhacay ayaa inta badan waxaa tagi jiray masuuliyiin katirsan maamulka Hirshabelle, musharaxiin Xildhibaan, siyaasiyiin, ergo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Baledweyne.

Ciidamada ammaanka ayaa si weyn u adkeeyay ammaanka magaalada Baledweyne gaar ahaan agagaarka goob ta uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna ciidamada wadaan howlgalo baaritaano ah.

Qaraxan ayaa dhacay xilli magaalada Baledweyne isku diyaarineyso qabashada doorashada xildhibaanada gollaha shacabka, waxaana magaaladaasi buux dhaafiyay musharaxiin, siyaasiyiin , askar iyo ergada Xildhibaanada dooraneysa.

Ad
Previous articleGudoomiye Ku Xigeenkii Doorashooyinka Beelaha Banaadiriga oo is Casilay
Next articleFahad Yaasiin oo U Duulay Magaalada Baladweyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here