Home galmudug Sawiro:- Dhismaha Madaxtooyada Cusub ee Galmudug oo gabo gabo mareysa

Sawiro:- Dhismaha Madaxtooyada Cusub ee Galmudug oo gabo gabo mareysa

0

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa kormeer indha-indheyn ah ku tegay Dhismaha Xurunta Madaxtooyada ee cusub iyo Afar Wasaaradood oo Dhismahoodu ka socdo Caasimada Galmudug ee Dhuusomareeb.

Kormeerkan Madaxweyne ku xigeenka waxaa ku wehlinayey wasiiro ka tirsan Xukumadda iyo Maamulka caasimada.

Injineerada gacanta ku haya Dhismaha Xarumaha Madaxtooyada iyo Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska, ayaa warbixin ka siiyay Madaxweynaha shaqada socota iyagoo sheegay in bisha September sanadkan 2020 aay soo dhammaandoonto.

Ugu danbayntii, Madaxweyne Ku xigeenka ahna kusimaha Madaxweynaha DGM ayaa u Mahad celiyay Shirkadaha iyo wasaaradda Howlaha Guud ee gacanta ku haya Dhismaha xarumahan.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here