Home galmudug Taliye Cusub oo loo magacaabay Caasimada Galmudug ee Dhuusomareeb

Taliye Cusub oo loo magacaabay Caasimada Galmudug ee Dhuusomareeb

0

Taliska Booliiska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed ayaa Taliye Cusub u Magacaabay Saldhiga Booliiska Dhuusamareeb,kadib markii uu dhowr bilood ka hor is casilay Taliyihii Saldhigaas.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliye Xijaar ayaa waxaa Taliyaha Saldhiga Booliska Dhuusamareeb loogu magacaabay Dhamme Nuur Cilmi Maxamed oo horay u soo noqday Taliyaha Saldhigyada Booliiska Cabudwaaq iyo Xeraale.

Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ayaa wax Taliye ah uusan laheyn Saldhiga Booliska Dhuusamareeb, Karin markii Taliyihii Saldhigaas uu isku casilay sababo uu ku sheegay in dad mas’uuliyiin ah ay Xabsiga ka siidaayeen dad lagu tuhmayo Shabaabnimo.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here