Home Wararka Maanta Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka oo Goordho la Magacaabay kadib is Casiladii...

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka oo Goordho la Magacaabay kadib is Casiladii Xuseen

0

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Goordhow asagoo Dhuusamareeb ku Sugan Magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Kadib Markii uu Dhawaan Iscasilay Agaasimihii Hore ee Madaxtooyada Xuseen oo Teemka Xasan Shiikh Qorshaynaayaan inay ka dhigaan Madaxweynaha Koonfurgalbeed oo Shanbilood kadib Ladooran Doono.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.

Mudane Cabdixakiim waxa uu ahaa la-taliyaha dhinaca siyaasadda ee madaxweynaha, waxa uuna leeyahay khibrad shaqo oo kor u dhaafaysa 20 sanadood oo ku aaddan dhinacyada horumarinta hay’adaha dowladda, maamul-wanaagga, tayeynta dowlad-goboleedyada iyo bulshada ay colaaduhu saameeyeen iyo xuquuqda aadanaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u magacaabay, waxa uuna kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka.

DHAMAAD

 

Ad
Previous articleAlshabaab Badan oo Maantay lagu Laayay Gobalka Hiiraan iyo Dowlada oo Ka Hadashay
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Dilka Loogaystay Macalin Shariif Maxamed oo Muqdisho lagu dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here