Home Wararka Maanta Ra’isul Wasaare Rooble oo Magacaabay Guddi qiimeeya Xubnaha Guddiga Farsamada Doorashada ee...

Ra’isul Wasaare Rooble oo Magacaabay Guddi qiimeeya Xubnaha Guddiga Farsamada Doorashada ee Lagu Murmay

0

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi qiimeeya caddeymaha xubnaha guddiga farsamo ee doorashooyinka.

Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in guddigan oo heer wasiir ah ay xaqiijin doonaan cadeymaha la xiriira xubnaha guddiga farsamada ee khilaafku ka jiro.

Warka ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaan lagu sheegin magacyada guddiga iyo tiradoodaba.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa guddi heer wasiir ah u magacaabay xaqiijinta caddeymaha xubnaha Guddiga Maamulka doorashada ee labada heer ee ay cabashadu ka jirto sida ku cad qodobka 1aad ee Hishiiskii Gollaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka.”ayaa lagu soo daabacay bogga xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo kan afhayeenka xukuumadaba.

Dhawaan ayaa qodobadii heshiiskii lagu saxiixay teendhada Afisiyone ka mid ahaa in Maamul goboleedyada ay u gudbiyaan xafiiska ra’iisul wasaaraha xubnaha guddiga doorasho ee uu khilaafku ka dhashay.

Guddigii doorashooyinka iyo kuwo xalinta khilaafaadka ee horey u magacaawday Xukuumadda Federaalka ayaa waxaa cabasho farabadan ka keenay Midowga Musharaxiinta, waxaana la sheegay inay ku jiraan Saraakiil Ciidan iyo shaqaale dowladeed.

W/Q Wariye Bashiir mohamed warsame

Ad
Previous articleSacuudiga oo xayiraadii socdaal ka qaaday 11 dal oo u badan reer galbeedka iyo Soomaaliya oo liiska cas kusii jirta
Next articleDoorashada Somaliland oo Maanta Loo dareeray (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here