Home jubaland Sawiro:- Axmed Madoobe oo la kulmay Xildhibaanada labada Aqal ee ka soo...

Sawiro:- Axmed Madoobe oo la kulmay Xildhibaanada labada Aqal ee ka soo jeeda Jubbaland

0

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa Hoyga uu ka dagan yahay Magaalada Dhuusomareeb kula kulmay Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ku matala Jubbaland.

Xubnaha  kulankan ka dhex muuqday  qaar ka mid ah Xildhibaanada Wasiirada ah ee ku jira Xuuumada RW Khayre oo Axmed Madoobe si weyn uga soo horjeeday dib u doorashadiisa.

Kulankan ayaa ahaa mid la isku xog waraysanayay Xaalada guud ee dalka uu marayo, gaar ahaan dhinacyada siyaasada, amniga iyo doorashooyinka.

Axmed Madoobe ayaa dhamaan Xildhibaanada Jubbaland ku matala labada Aqal ee Baarlamaanka ku marti qaaday Jubbaland si looga wada tashado Arrimaha masiiriga ah ee dalka sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Jubbaland.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here