Home Wararka Maanta Haweeney qorsheyneysay dilka Janaraal Odowaa oo Muqdisho lagu qabtay(Xog)

Haweeney qorsheyneysay dilka Janaraal Odowaa oo Muqdisho lagu qabtay(Xog)

0

Ciidamada Sirdoonka Qaranka Soomaaliya(NISA) ayaa La Sheegay inay todobaadkaan Gacanta Ku dhigeen Haweeney ka Tirsanayd ilaalada Hoteel ku yaala Magaalada Muqdisho Hotelkaan ayaa La sheegay inuu Ku Yaalo Degmada Cabdicasiis ee Magaalada Muqdishu.

ilo ku dhow Ciidamada amaanka ayaa noo Xaqiijiyay in Haweenaydaan oo ka shaqaynaysay Qaybta  Baarista Dumarka ay Qorshaynaysay inay Soo Gudbiso Haweeneey loo Diyaariyay inay isku Qarxiso Jeneraal odawaa Todobaad kii Hore.

hotelkaan ayaana maalintaas waxaa ka dhacaysay Xaflad aroos oo uu ka qayb galaayay Jeneraal Odawaa Yusuf Raage iyo Madax kale oo Ka tirsanaa Dowlada Federaalka Soomaaliya Balse Khamiistii ayaa Ciidamada amaanku  Soo saareen Digniino amni oo sheegaysa in la qorshaynaayo Qaraxyo ismiidaamin ah oo ka dhici kara Hotelka Xaflada aroosku ka dhacaysay.

intaas kadib ayaa waxaa gacanta lagu dhigay Haweenaydaan waxayna hada ku xiranta Xarun Qaas u ah Ciidamada NISA oo Su,aalo Lagu waydiino isla markaasna baaris kuwada.

Maalmihii lasoo Dhaafay ayaa waxaa aad usoo badanayay Saraakiil la shaqaynaysay Alshabaab kuwaas oo qaarkood ay Baxsadeen halka Qaar kalana Xabsiga La dhigay.

Ciidamada Amaanka ayaana aad u laba jibaaray Dabagalka ay ku Hayaan Dadka Sida Dhow Ula shaqeeya Alshabaab kana Tirsan Dowlada Soomaaliya.

Ad
Previous articleAxmed Madoobe oo Markii Ugu Horaysay La Kulmay Siyaasiyiintii Gobalka Gedo ee kasoo Horjeeday
Next articleXOG:Maxaa ka jira in goobaha cilaajyada lagu faraxumeeyo haweenka?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here