Home galmudug Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Cadaado (Daawo Sawirada)

Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Cadaado (Daawo Sawirada)

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayay oo kasoo duulay garoonka diyaaradaha magaalada Garawe ayaa goordhaw soo gaaray magaalada Cadaado.

Axmed Madoobe iyo wafdiga la socda waxaa si heer sare ah magaalada Cadaado ugu soo dhaweeyay masuuliyiin katirsan maamulka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Cadaado.

Dadka soo dhaweenayay Madaxweynaha Jubbaland ayaa kor u hayay sawiradiisa, calanka Soomaaliya iyo calanka astaanta u ah maamulka Jubbaland, waxa ayna dadku ku dhawaaqayeen ereyo soo dhaweyn ah.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa la filayaa in saacado ku sugnaado magaalada Cadaado , waxaana kadib usii amba bixi doonaa magaalada Dhuusomareeb uu ka dhacayo shirka ay yeelanayaan Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa Dowlad goboleedyada.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here