Home galmudug Madaxweyne Farmaajo iyo Raisul Wasaare Kheyre oo ku wajaha Dhuusomareeb (Xog...

Madaxweyne Farmaajo iyo Raisul Wasaare Kheyre oo ku wajaha Dhuusomareeb (Xog muhiim ah)

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa ay aqbaleyn dalabkii Madaxda Dowlad Goboleedyada ee ku aadanaa inay ka qeyb galay shir looga tashanayo Arrimaha doorashooyinka,kaas oo lagu qabanayo Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa dhamaantood ku sugan Magaalada Dhuusamareeb,waxaana qodobada ku jiray Warmurtiyeedkii ay soo saareen kamid ahaa in Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada ka tashadaan Arrimaha doorashooyinka iyo Amniga.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu Maalinta berito ah ku wajahan yahay Dhuusamareeb halka Khamiista uu halkaasi tagayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirka Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa qorshuhu yahay in xal laga gaaro khilaafka la xiriira arrimaha doorashooyinka,isla markaana doorasho nooceey doonto ha ahaatee ay waqtigeeda ku dhacdo.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here