Home wararka Dalka Sawiro:- Ciidanka Daraawiishta Galmudug oo la dhisayo

Sawiro:- Ciidanka Daraawiishta Galmudug oo la dhisayo

0

Maamulka Galmudug ayaa ku howlan dhismaha ciidamo xoogan oo maamulkaasi yeesho, waxaana Wasaarada amniga maamulkaasi ka shaqeeneysaa sidii maleeshiyaadka hubeesan ee ku dhaqan deegaanada Galmudug loo qarameyn lahaa.

Ciidamada cusub ee Galmudug gaar ahaan kuwa Daraawiishta aya aloo furay xeryo lagu tababarayo, ciidamadan la tababarayo ayaana u badan kuwa beeleed oo dhawaan lagu wareejiyay maamulka Galmudug.

Ciidamada cusub ee Daraawaashita Galmudug loo tababarayo waxaa ku jira haween kuwaa oo la sheegay in si iskood ah u jeclaadeen in ay kamid noqdaan ciidamada cusub uu yeelanayo maamulka Galmudug.

Xerada tababarka Dhaankaroone ee kutaala magaalada Cadaado waxaa hada ku xareesan oo tababar uga socdaa ciidamo bada oo isugu jira rag iyo dumar, kuwaa oo tababarka kadib si rasmi ah uga mid noqon doona ciidamada Daraawiishta Galmudug.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here