Home Wararka Maanta Cabsi Laga Qabo Amniga Doorashada ee dhuusamareeb iyo Ciidamo Lagu Daabulayo

Cabsi Laga Qabo Amniga Doorashada ee dhuusamareeb iyo Ciidamo Lagu Daabulayo

0

Iyadoo Magaalada Dhuusamareeb lagu qabanayo Doorashada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya qaybtood ayaa waxaa magaaladaasi gaaraya siyaasiyiinta deegaanka ka soo jeedda, ee daneynaysa ka mid noqoshada Baarlamaanka 11aad ee dalka.

Magaalada ayaa marti-gelinaysa maleeshiyaad aad u hubeysan, oo ay kala wataan siyaasiyiinta, taasoo keentay in walaac dhanka amniga ahi laga muujiyo.

Sidoo kale magaalada ayaa waxaa ka soconayo kulamo la xiriira Doorashada Labada Gole ee Baarlamaanka. Kulamadan ayaa waxaa qayb ka ah kulamo uu Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ka wado magaaladaasi.

Siyaasiyiinta ku sugan magaaladaaasi, ee ay siyaasadda ku kala aragtida duwan yihiin Madaxweynaha ayaa isha ku haya liiska musharaxiinta Aqalka Sare, ee dhawaan la fillayo inuu Madaxweynuhu soo gudbiyo.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya soo bandhigidda Xubnaha Galmudug ku metelaya Aqalka Sare inay tahay imtixaan siyaasadeed horyaala Madaxweyne Qoor Qoor.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaan ku deg-deggi doonin gudbinta liiska musharaxiinta ee ku tartamaysa sideedda kursi ee Galmudug ku leedahay Aqalka Sare, isla-markaana uu arrintaasi wadatashi badan ka samayn doono.

Guddiga Amniga Doorashada Labada Aqal ee Galmudug ayaa soo saaray awaamiir lagu adkeynayo amniga labada goobood ee lagu qabanayo Doorashada Xildhibaanada ee Dhuusamareeb iyo Koonfurta Gaalkacyo.

Taliyaha Booliska Galmudug, G/sare Khaliif Cabdulle Maalin ayaa sheegay in guddigu uu mamnuucay dhammaan hubka iyo gaadiidka dagaal ee lagu dhex haysto magaalooyinka deegaanka doorashada ee Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo.

“Ma jiri karto wax hub ah oo magaalooyinka aan kor ku soo sheegnay lagu dhex wadan karo, oo aan ka ahayn hub fasax looga haysto laamaha amniga,” ayuu yiri Taliyaha oo intaa ku daray “Ma jiri karo askari ama ciidan oo magaalooyinka dhex lugeyn kara, oo aan ka ahayn ciidanka loo xilsaaray suggida amniga guud, gaar ahaan magaalooyinka.”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Waxaa la mamnuucay gebi ahaanba in garoomada diyaaradaha Galmudug si guud, gaar ahaan magaalooyinka ay doorashadu ka dhaceyso, sida Caasimadda Galmudug iyo Gaalkacyo laga soo dejiyo ama la soo geliyo hub iyo gaadiid dagaal, oo aan fasax loo haysan.”

Khaliif Cabdulle ayaa xusay in laamaha ammaanka ay tallaabo ka qaadi doonaan, cid kasta oo ku xadgudubta buu yiri awaamiirta aan bixinay.

“Hay’adaha amnigu waxay tallaabo ku haboon ka qaadi doonaan cid kasta oo ku xadgudubta awaamiirta aan bixinay,” ayuu yiri Khaliif Cabdulle.

Xigasho Caasimada Online

Ad
Previous articleBoliiska AMISOM oo Lagu Wareejiyay Gaadiid Loogu Talagalay Amniga Doorashada
Next articleCiidamada Daraawiishta Galmudug oo La wareegay Gooba kale oo Muhiim ah (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here