Home wararka Dalka Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ka hadlay Kulankii uu la qaatay Madaxweyne...

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ka hadlay Kulankii uu la qaatay Madaxweyne Qoor Qoor

0

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo faahfaahin ka bixinayay kulamo labada maamul uga socda Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in ay ka wada shaqeyn doonaan Ammaanka Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in labada maamul ay yeelan doonaan iskaashi weyn oo ku aadan dagaalka ururka Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in Galmudug ay kala wada shaqeyn doonaan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa degaanada ay ku sugan yihiin, islamarkaana wada shaqeyn buuxda ay dhexmari doonto labadda dhinac.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa xusay in amniga Magaalada Gaalkacyo laga sameeyay horumar weyn tan iyo markii laga bilaabay howlgal uu garwadeen ka yahay Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi.

Ciidamada maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgallo ay ka sameeyeen Gaalkacyo kusoo qabtay in ka badan 20 ruux oo ay sheegeen in ay xiriir la haayeen ururka Al-Shabaab.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here