Home wararka Dalka Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Xaruunta Turkisom ee Muqdisho

Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Xaruunta Turkisom ee Muqdisho

0

War goordhaw warbaahinta ayaa sheegaya in qof jirkiisa kusoo xiray waxyaabaha qarxa uu ku qarxay afaafka hore ee xerada Turkisom ee kutaala degmada Wadajir.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray uu yimid afaafka hore ee Xerada Turkisom ,isagoona doonayay in uu safka la galo dhalinyaro leyli sargaal loo qaadanayay oo sa ugu jiray galitaanka xerada.

Ciidamada ilaalada xerada ayaana la sheegay in ay ka shakiyeen ninkaasi waxyaabaha qarxa jirkiisa kusoo xiray kadibna halkaasi ku toogtay, sida ay ku warameen gooboogayaal..

Qaraxa ku xirnaa ninkaasi ayaa sidoo kale la sheegay in uu ku qarxay markii la toogtay, waxaana jira khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac oo ka dhashay qaraxan ka dhacay afaafka hore ee xerada Turkisom.

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaan wali faah faahin ka bixin qaraxan , waxaana xerada qaraxa ka dhacay banaankeeda milatariga Turkiga ku tababaraan ciidamada Soomaaliya .

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here