Home wararka caalamka Weerar loo adeegsaday mindi oo ka dhacay Dalka Ingariiska magaalada Reading

Weerar loo adeegsaday mindi oo ka dhacay Dalka Ingariiska magaalada Reading

0

Nin asal ahaan kasoo jeeda dalka Liibiya ayaa weerar mindi loo adeegsaday ka fuliyay magaalada Reading ee dalka Britain, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Warbaahinta dalka Britain ayaa ku waramay in ninkan Mindida ku hubeesnaa uu weeraray koox dhalinyaro ah oo khamri ku cabeesay beerta lagu nasto ee Forbury oo kutaala magaalada Reading.

Inta la xaqiijiyay weerarkan mindida loo adeegsaday waxaa ku dhintay sadex qof halka ay ku dhaawacmeen sadex qof oo kale, waxaana dadka dhaawaca weerarkan kasoo gaaray qaarkood la sheegay in dhaawac culus kuyaalo.

Ciidamo katirsan booliiska magaalada Reading ayaa gacanta ku dhigay ninka weerarka geestay xili uu isku dayay in uu baxsado, waxaana booliiska bilaabeen baaritaano ku aadan weerarkan iyo ninka fuliyay ujeedka uu ka lahaa.

Weerarkan ka dhacay magaalada Reading ayaana wali loo aqoonsan mid argagaxiso, waxaana Warbaahinta Britain ku waramayaan in weerarkan uu fuliyay nin asal ahaan kasoo jeeda dalka Liibiya.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here