Home Wararka Maanta Isku milanka Ciidamada Dowlada Iyo Alshabaab oo Meeshii ugu Xumayd Gaaray Markaana...

Isku milanka Ciidamada Dowlada Iyo Alshabaab oo Meeshii ugu Xumayd Gaaray Markaana Waa Gashaanle Ayaanle

0

Maalmihii Lasoo dhaafay Waxaa Cirka Isku Shareeray Agasimayaal iyo Askar Ka Tirsan Dowlada oo Si Hoose ula Shaqaynaayay Alshabaab in Gacanta Lagu so Dhigay oo xabsiyada dowlada Lagu Xareeyey.

Dhawaan Waxaa Alshabaab Xili Habeen ah Weeraku qaadeen Xero Ciidan oo ku Taal Ceelasha Biyaha oo lagu magacaabo arbacoow Taas oo ay Daganaayeen Ciidamada Milataara Police oo Dalka Uganda Lagu Soo Tababaray.

Dagaal Qaatay Mudo 40 Daqiiqa ah ayaa Waxaa ciidamada Amaanka Usuurta Gashay inay Gacanta Ku dhigaan mid kamid ah Alshabaab kii Weerarka So Qaaday oo Dhaawac ah.

Wararysi Laga Qaaday ninkaaas Dhaawaca ahaa ayaa Sheegay in Weerarkaan u hogaaminaayay Gashaanle Ayaanle Maxamed oo Ka Tirsan ciidamada Poliska Soomaaliya kaas Oo ka Howlgalaayay Saldhiga Degmada Hodan ee Gobalka Banaadir caana ka ahaa  kaas oo kasoo shaqeeyey degmooyin badan oo ka tirsan gobalka banaadir.

Gashaanle ayaanle oo ka Warhelay in laqabtay mid kamid ah Ragii Weerarka Soo Qaaday oo dhaawac ah ayaa Horay usii Raacay Alshabaabkii Weerarka Soo qaaday si aan xogtiisa loo helin.

Ciidamada Dowlada Ayaa Haatan Baadi Goob Xoogan Ugu jira Gashaanle ayaanle Maxamed oo Ploceka Ka Tirsanaa dhamaan xarumaha ciidamada policeka ayaa haatan laga baafinaaya.

Arintaan Ayaa Kusoo aadaysa in DhWaan Askar Ka Tirsan Milatetiga Sooomaaliya uu isku Qarxiyay Qof Safaka Kula jiray oo La sheegay in Xerada iyo Safkaba Lasoo Galiyay Asagoon La Baarin.

Ad
Previous articleXasan Xuseen Nuur oo Xukun Adag Lagu Riday Kadib Dil naxdin leh oo uu gaystay
Next articleWiilka madaxweyne Biden oo maanta hortagaya maxkamad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here