Home Wararka Maanta Xasan Xuseen Nuur oo Xukun Adag Lagu Riday Kadib Dil naxdin leh...

Xasan Xuseen Nuur oo Xukun Adag Lagu Riday Kadib Dil naxdin leh oo uu gaystay

0

Maxkamada Ciidamada Qalabka Side ayaa Xukun dil ah ku riday Xasan Xuseen Nuur oo Katirsanaa Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya  gaar ahaan ilaalo Qaran kaasm oo si bareer ah u dilay Qof Shacab ahaa.

Askarigaan ayaa 4 bilood ka hor dil bareer ah ugaystay Marxuum Xuseen Maxamed Xirsi intaas kadib Ciidamada amaanka ayaa ku guulaystay inay gacanta kusoo dhigaan askarigaan gacan ku dhiiglaha ahaa.

garsoorka oo waqti ku filan siiyay Dhinacyada Dacwadaan qusaysay ayaa ugu danbayn maantay Xasan Nuur ku xukumay Dil Toogasha oo ah Qisaastii Marxuum Xuseen Maxamed Xirsi.

Askarigaan Dilka gaystay ayaa ka carooday in marxuumka uu dilay uu ku tilmaamay inuu yahay Jareer Taas oo keentay inuu Rasaas la dhaco Marxuumka geeriyooday.

askarta Dilalka gaysta ayaa ku badan Magaalada Muqdisho ku waas oo siyaabo kala duwan u dila dadka shacabka ah.

Ad
Previous articleMooshinka Xasaasi Ah oo Xildhibanaada Maanta U Gudbiyeen Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya
Next articleIsku milanka Ciidamada Dowlada Iyo Alshabaab oo Meeshii ugu Xumayd Gaaray Markaana Waa Gashaanle Ayaanle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here