Home Wararka Somaliya Dowlada Somaliya oo ka hadashay wararka sheegaya in Somalia & Kenya ka...

Dowlada Somaliya oo ka hadashay wararka sheegaya in Somalia & Kenya ka heshiiyeen kiiska Badda

0

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ( Khadar) ayaa beeniyay wararka sheegaya in dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay heshiis ka gaareen kiiska badda oo weli horyaalla maxkamadda ICJ, isla markaana ay garwadeen ka aheyd dowladda Qatar.

Wargeyska The Star ee kasoo baxa Kenya ayaa qoray in Dowladahaan nacfiga kasoo baxa 50%  uu dal weliba qaadan doono si loo soo afjaro kiiska daba-dheeraaday ee Maxkamadda ICJ horyaalla, hayeeshee Mahdi guuleed uu warkaasi beeniyay.

“  Warbaahin ayaa qortay in Soomaaliya iyo Kenya ay ku heshiiyeen inay qeybsadaan lacagaha ka soo baxa saliida iyo gaaska badda dhex ceegaaga 50/50 waa mid aan sal iyo raad toona lahayn. Waxaan sugeynaa xukun cadaalad ah oo ay ICJ ka bixiso dacwada badda ayuu yiri”  Mahdi Guuleed oo qoral soo dhigay Barta twitter-ka.

Kiiska Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya & Kenya ayaa waxaa uu horaayaalla Maxkamadda ICJ, hayeeshee tuhunka la xiriira heshiiska ayaa soo baxay markii Ergay ka socda Dowladda Qatar uu safaro ku yimid Muqdisho & Nairobi  lana kulmay Madaxda dowladaha Kenya & Soomaaliya, isla markaana dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay so celisay xiriirka kala dhaxeeya Kenya.

Ad
Previous articleRooble oo diiday Amar ka soobaxay Madaxweynaha kuna saabsanaa Doorashada dalka
Next articleGalmudug oo ka war bixisay Qaraxii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here