Home Wararka Somaliya Dowlada Somaliya oo ku Celisay in ay diyaar u yihiin Wada-hadalka Mucaaradka

Dowlada Somaliya oo ku Celisay in ay diyaar u yihiin Wada-hadalka Mucaaradka

0

Afhayeenka xukuumadda federaalka ee Soomaaliya Maxamed Ibraamih Mucalimuu ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu diyaar u yahay si wadidda wadahadallada mucaaradka.

“Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu mar kasta diyaar yahay sii waddida wadahadalladii uu la lahaa Musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya si guud iyo si gaar gaar ahba ,si loo gaaro hishiis iyo is afgarad ,dalkuna uu doorasho u aado” ayuu yiri Macalimuu oo qoraal soo dhigay bogga Facebook.

Arrintan ayaa imaaneysaa xilli Khamiistii labada dhinac ay isku fahmi waayeen qodobo la xiriira geeddi socodka hannaanka doorashooyinka ee dalka.

Mucaaradka ayaa dhawaan madaxweynaha ku eedeeyay in uu ‘carqaladeynayo’ wadahadallada.

Ad
Previous articleXubno ka tirsan Kooxda Shabaab oo isku soo dhiibay Dowlada Somaliya
Next articleBooliska Stockholm oo caawinaya Qoysaska Nawaaxiga järva Si Caruurta looga badbaadiyo Kooxaha Gangiska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here