Home galmudug Galmudug oo Ciidamo u dirtay Deegaano Lagu dagaalamay oo Gobolka Galgaduud ka...

Galmudug oo Ciidamo u dirtay Deegaano Lagu dagaalamay oo Gobolka Galgaduud ka tirsan

0

Taliska Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya qeybta Galmudug ayaa waxaa ay ciidamo farabadan u direen deegaanka Furinta-foore Ee Waqooyiga Gobolka Gal-gaduud ee xadka Itoobiya,halkaas oo dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac sababay uu ku dhex-marey labo maleeshiyo Beeleed.

Ciidamadaan oo ka ambabaxay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay wataan Gaadiidka dagaalka noocyadooda kala duwan,waxaana la filayaa inay kala dhex-galaan labada maleeshiyo beeleed ee dagaalamey.

Sidoo kale wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in saraakiil ka tirsan Ciidanka Millateriga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 21aad ay tegi doonaan Deegaanka Furinta-foore si ay uga qeyb qaataan joojinta iyo xalinta dagaalka ka dhacay.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya deegaankii lagu dagaalamey ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay id degan,isla markaan dagaalkii ugu dambeeyey ee dhacay ay ku geeriyoodeen in ka badan 15 Ruux.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here