Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweynaha Galmudug oo Shir Gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Galmudug (Sawiro)

Madaxweynaha Galmudug oo Shir Gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Galmudug (Sawiro)

0

Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa shir gudoomiyay shirka golaha wasiirada DGM oo galabta ku qabsoomay aqalka Madaxtooyada Galmudug.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa maanta looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Miisaaniyadda Dowladda Galmudug ee 2022, Xeerka Biyaha iyo xaaladaha biyo la’aaneed ee soo food saaray deegaanada Galmudug.

Golaha wasiirada ayaa dood iyo falannqeyn kadib ansixiyay Miisaaniyadda 2022 ee Dowladda Galmudug iyo Xeerka Biyaha.

Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa baaq u diray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka sidii degdeg wax loogu qaban lahaa dadka ku dhaqan deegaanada Galmudug ee dhawaan biyo la’aanta baahsan ay soo food saartay.

Ad
Previous articleGuddiga Doorashada oo ka hadlay Doorashada iyo xilliga la bilaabayo
Next articleRa”isul Wasaare Rooble oo Shir Gudoomiyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here