Home Wararka Maanta Ra”isul Wasaare Rooble oo Shir Gudoomiyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Ra”isul Wasaare Rooble oo Shir Gudoomiyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa shir guddoomiyay shir ay aaladda fogaan aragga ku yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka.
Kulanka oo diiradda lagu saaray dardargalinta doorashada Golaha Shacabka.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo kala Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni,Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen), Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam , Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Gabagabadii kulanka ayaa la isku afgartay in si deg deg ah dhammaan Dowlad Goboleedyada looga bilaabo doorashooyinka Golaha Shacabka, laguna soo gabagabeeyo si looga fogaado dib u dhac ku yimaada doorashooyinka.

Ad
Previous articleMadaxweynaha Galmudug oo Shir Gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Galmudug (Sawiro)
Next articleAMISOM oo xukun dil iyo xabsi ciidan ah ku riday Saraakiil iyo askar Toogtay dad shacab ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here