Home wararka Dalka Kooxo Hubeysan oo wiil dhalinyaro ah ku dilay Magaalada Muqdisho

Kooxo Hubeysan oo wiil dhalinyaro ah ku dilay Magaalada Muqdisho

0

Wiil dhalinyaro ah ayaa la sheegay in galabta xiligii qorax dhaca lagu dilay xaafada Siigaale oo ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay iney rasaas ku fureen wiilkan dhalinyarada ah oo magacaiisa lagu soo gaabiyey Liibaan.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ragga dilka geystay ay goobta ka baxsadeen markii ay toogashada fuliyeen, iyadoo wiilkana uu isla goobta ku qur baxay.

Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn sababta loo dilay wiilkan dhalinyarada ah ayaa dadka degaanka qaarkood waxay sheegayaan inuu la shaqeynayey maamulka degmada Hodan.

Falkan ayaa ku soo beegmaya xili bilihii la soo dhaafay ay aad hoos u dhaceen dilalkii qorsheynaa ee ka dhici jiray magaalada Muqdisho taasoo laamaha amaanka dowladu sabab uga dhigeen iyadoo gacanta lagu dhigay inta badan shabakadihii fulin jiray dilalka qorsheysan.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here