Home Wararka Maanta 10 askari oo kenyaan ah laguna Dilay Soomaaliya oo Cara Xoogan ka...

10 askari oo kenyaan ah laguna Dilay Soomaaliya oo Cara Xoogan ka Abuuray Dalka Kenya

0
Ehellada Askar Kenyaan ah oo ku dhintay Gobolka Gedo Ayaa cara ka muujiyay dilka wiilashooda oo ay ka qarisay dowladda Kenya.

Mid ka mid ah askarta dhimatay ehelkiisa ayna soo gaartay geerida wiilkooda ayaa dowladda Kenya ku dhaliilay in aysan shaacin khasaaraha askartaas soo gaartay oo aysan la wadaagin ehelkooda.

 

Prof J.Ole Kiyiapi ayaa bartiisa Twitter ka ku shaaciyay in walaalkiis Johnson Olemoi Kiyiapi iyo 9 Askari oo kale ay ku dhisteen qarax miino oo ay askartaas u dhigeen Al shabaan.

Waxaa uu Ciidamada KDF iyo Dowladda dhexeba ku eedeeyay in ay qariyeen diimashada askarta hayeeshee ay ehelka gaarsiiyeen qaar ka mid ah askartii ay la socdeen ee weerarka ka badbaaday. Prof Kiyiapi oo horay musharrax madaxweyne uga ahaa Kenya ayaa Dowladda ku eedeeyay in ay qaraabada askartaas ka qarisay geerida wiilashooda.

Askarta Kenya ayaa qeyb ka ah Howlgalka AMISOM ee ay ku jiraan 22 kun oo askari kuwaas oo magacooda AMISOM isu beddelayo (howlgalka KMG Midowga Afrika ee Soomaaliya) ATMIS, kaas oo billaabanaya 1da April 2022 kuna eg 31ka December 2024.

Ad
Previous articleRuushka oo Qarka U Saaran inuu Weeraro Dalka poland
Next articleLix Kursi oo Beri la Dooranaayo oo goordhow la Shaaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here