Home Wararka Somaliya Puntland Lix Kursi oo Beri la Dooranaayo oo goordhow la Shaaciyay

Lix Kursi oo Beri la Dooranaayo oo goordhow la Shaaciyay

0

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed Puntland ayaa maanta diiwaangeliyay musharaxiinta ku tartameysa lixda kursi ee ugu dambeeya Xildhibaanada laga soo dooranayo deegaanada Puntland.

Qoraal kasoo baxay guddiga doorashada heer dowlad goboleed Puntland ayaa lagu shaaciyay magacyada 12-musharax oo ku tartamaya doorashada kuraasta gollaha shacabka ee beri lagu dooranayo magaalada Garawe.

Kuraasta la shaaciyay musharaxiinta ku tartameysa ayaa waxaa ku jira labo kursi uu khilaaf xooggan ka taagnaa kuwaa oo kala ahaa HOP199 iyo HOP198,waxaana kuraastan waxgaradka beesha iska leh codsadeen in aad dad gaar ah loo xirin doorashadiisa.

Madaxweynaha Puntland ayaana ka biyo diiday baaqa Isimadda gobolka Mudug oo kuraastan laga leeyahay, waxa uuna u xiray labada kursi guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland iyo Agaasime katirsan maamulkiisa.

Ad
Previous article10 askari oo kenyaan ah laguna Dilay Soomaaliya oo Cara Xoogan ka Abuuray Dalka Kenya
Next articleRaysulwasaare Rooble oo Wafdi Culus oo Kasocday Shiinaha kulan laqaatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here