Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweyne Qoor Qoor iyo Beesha Caalamka oo Shir gaar ah yeeshay, Hadaba...

Madaxweyne Qoor Qoor iyo Beesha Caalamka oo Shir gaar ah yeeshay, Hadaba Maxaa Looga Hadlay ?

0

Xubno ka tirsan Beesha Caalamka ayaa kulan dhanka qadka Zoom-ka la yeeshay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, iyagoo kala hadlay xaaladaha amni ee ku soo kordhay Galmudug iyo sidii degdeg ah loogu soo gabagabeyn lahaa xubnaha ka haray doorashada Aqalka Sare, loona bilaabi lahaa tan Golaha Shacabka.

Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in arrimaha lagala hadlay Madaxweynaha Galmudug ay ka mid aheyd xaalada Guriceel iyo gulufka dagaal ee Galmudug Qorsheyneyso inay ku qaado Guriceel oo ay heystaan xooggaga Ahlusuna,

waxanaa xubnaha Beesha Caalamka ku taliyeen wax kasta oo looga baaqsan karo dagaal ka dhaca Gobolka oo xilligan saameyn ku yeesha howlaha doorashada.

Kulankaan Ayaa yimid xilli Maanta Madaxweynaha Galmudug uu la Kulmay Saraakiisha AMSOM ee ku sugan Galmudug.

Ad
Previous articleMadaxweynaha Galmudug oo la kulmay Saraakiisha AMISOM
Next articleAabaha dhalay Muuse suudi yalaxoow oo maanta geeriyooday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here