Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Saraakiisha AMISOM

Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Saraakiisha AMISOM

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay Taliyaha Ciidanka AMISOM ee sector 4 iyo saraakiil uu hoggaaminayay.

Kulanka ayaa looga hadlay dardar galinta howlaha  Doorashoyinka Galmudug iyo Sugidda Amiga & waliba dagaalka ka dhan ah Ururka Al-Shabaab ee laga fulinayo degaannada Galmudug.

War kasoo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa waxa lagu sheegay in Madaxweynaha Galmudug uu soo Gaba gabeeyay  kulamo Amni oo maalmahan uu la lahaa Saraakiisha Ciidada AMISOM.

Kulankan ay Maanta Magaalada Dhuusamareeb ku yeesheen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Taliyaha Ciidanka AMISOM ee sector 4 ayaa kusoo aadaya xilli guluf dagaal uu kajiro degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Ad
Previous articleHay”Adda Hormuud Foundation oo Dhaqaale ugu Deeqday dadka Abaaruhu Saameeyeen
Next articleMadaxweyne Qoor Qoor iyo Beesha Caalamka oo Shir gaar ah yeeshay, Hadaba Maxaa Looga Hadlay ?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here