Home Wararka Maanta Alshabaab oo Meel Fagaare ah Ku Toogtay Cabdi Maxamed (Abuukey )...

Alshabaab oo Meel Fagaare ah Ku Toogtay Cabdi Maxamed (Abuukey ) iyo Afar nin oo kale

0

Al Shabaab ayaa fagaare kuyaalla deegaanka Faaxfaaxdhuun ee gobolka Gedo ku toogatay shin nin oo ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen jawaasiis ,kuwaa oo Al Shabaab sheegeen in laga soo qabtay deegaanno kala duwan.

Maxkamadda Al Shabaab ayaa ragan la toogtay ku eedeesay in ay ahaayeen basaasiis u shaqeeya sirdoonada dowladda Soomaaliya, maamulka Jubbaland iyo Sirdoonka dowladda Mareykanka ee loo yaqaan CIA.

Dadweyne badan oo degannaa deegaanka Faaxfaaxdhuun ayaa la isugu yeeray in ay daawadaan sida xukunka dilka ah u dhacayay, waxaa sidoo kale goobtaasi ku sugnaa saraakiil iyo dagaalyahanno katirsan kooxda Al Shabaab.

Magacyada ragga la toogtay ayaa kala ah

1-Cabdi Maxamed Cabdalle (Abuukey) ,  oo 44-sanno jir ahaa  ayaa Al Shabaab ku eedeeyeen in sirdoonka Jubbaland u shaqeenayay muddo ka badan afar sanno.

2-Cabdisamad Cabdiqaadir Xasan oo 22 sana jir ahaa ayaa Al Shabaab isagana ku eedeeyeen in uu la shaqeenayay sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

3-Maxamed Aadan Maxamuud oo 31 sana jir waxaa isna ku eedeeyeen kooxda Al Shabaab in uu la shaqeenayay sirdoonka Mareykanka una gudbiyay xogta Al Shabaab.

4-Mowliid Cabdullaahi Cilmi oo 43 sana jir ahaa ayaa lagu eedeeyay isaga in uu la shaqeynayay sirdoonka maamulka Jubbaland.

5-Siyaad Muxidiin Cusmaan oo 27 sana jir ah ayaa Al Shabaab isagana ku eedeeyeen in uu wada shaqeyn la lahaa ciidamo sirdoon ah oo ku sugan degmada Baardheere.

Ad
Previous articleNin lacag been abuur ah wax uga iibsaday Carwo kutaalla Muqdisho oo lasoo qabtay
Next articleHogaamiyihii kooxda Wagner oo farriiin Cusub soo diray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here