Home Wararka Maanta Nin lacag been abuur ah wax uga iibsaday Carwo kutaalla Muqdisho oo...

Nin lacag been abuur ah wax uga iibsaday Carwo kutaalla Muqdisho oo lasoo qabtay

0
Ciidanka booliiska Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka howlgala qeybta Waliyow Cadde ayaa gacanta kusoo dhigay nin dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay in lacag been abuur ah wax uga iibsaday carwo kutaalla Muqdisho.

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in ciidamada ku guuleesteen soo qabashada ninkan oo ku eedeesan in lacag dollar oo been abuur ah wax uga iibsaday carwo kasoo horjeeda saldhigga booliiska degmada Waabari.

Booliiska ayaa sidoo kale sheegay in ay baadigoobayaan labo nin oo kale oo ninkan kula jira fal dambiyeedka kuwaa oo baxsad ku jira, waxa ayna sheegeen booliiska ninkan loo gudbin doono maxkamad lana soo qaban doono ragga kale ee baxsadka ah.

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe ku guuleestay soo qabashada kooxaha burcada ah iyo sidoo kale dadka kale ee gala dambiyada isugu jira dilka ,dhaawaca iyo sidoo kale afduubka.

Ad
Previous articleBaarlamaanka Dowlad-goboleedka Puntland oo si rasmi ah u shaaciyay qodobada wax ka bedelka lagu sameynayo
Next articleAlshabaab oo Meel Fagaare ah Ku Toogtay Cabdi Maxamed (Abuukey ) iyo Afar nin oo kale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here