Home Wararka caalamka Saldhig Mareykanka ku leeyahay Dalka Ciraaq oo markale la duqeeyay

Saldhig Mareykanka ku leeyahay Dalka Ciraaq oo markale la duqeeyay

0

Dhowr gantaal ayaa ku dhacay garoonka diyaaradaha ee Ciraaq ee waqooyiga Baqdaad halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada Mareykanka.

Waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen Afar ka mid ah Ciidanka Cirka dowladda Ciraaq.

“Saddex askari oo reer ciraaq ah, oo waardiye ka ahaa irida garoonka, ayaa ku dhaawacmay duqeynta,” ayuu yiri Goobjooge.

Ma jirto Cid sheegatay Mas’uuliyadda weerarka, waxaana xusid mudan in todobaadkii lasoo dhaafay la duqeeyay Saldhigyadda Mareykanka Ciraaq oo Iran ka dambeysay.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here