Home Wararka Maanta Maraykanka Oo War kasoo Saaray Duqaymo uu Ku Laayay Alshabaab ka Ku...

Maraykanka Oo War kasoo Saaray Duqaymo uu Ku Laayay Alshabaab ka Ku Sugan Galmudug

0

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqeymo culus oo dhinaca cirka ah ka fuliyay duleedka magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug, waxaana duqeyntaasi lagu beegsaday xubno katirsan Al Shabaab.

Qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa lagu sheegay in dalab ka yimid dowladda Soomaaliya loo fuliyay duqeynta oo ka dhacday duleedka Xarardheere, waxa ayna sheegeen in duqeynta lagu dilay labo xubnood oo katirsanaa Al Shabaab.

Dowladda Mareykanka warka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in duqeyntan aysan waxyeelo dhimasho iyo mid dhaawac aysan kasoo gaarin dad shacab ah, waxa ayna xuseen kaliya in lagu waxyeeleeyay xubno katirsan Al Shabaab.

Mareykanka ayaana kordhiyay duqeynaha dhinaca cirka ah ay ka fulinayaan goobaha ay joogaan Al Shabaab, waxaana duqeyn maalmo kahor Mareykanka ka fuliyeen degmada Galcad ku dileen dagaalyahano badan oo katirsanaa Al Shabaab.

Ad
Previous articleCiidamada Amaanka Magaalada Muqdisho oo Gacanta Kusoo Dhigay Rag Garowe Dad kusoo laayay
Next articleCiidamada Daraawiishata Galmudug oo Deegaano Hor leh kala Wareegay Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here