Home galmudug Wasiir Sabriye oo Sharaxay Heshiiska Dowlada la gashay Ahlu-suna iyo Waxyaabaha uu...

Wasiir Sabriye oo Sharaxay Heshiiska Dowlada la gashay Ahlu-suna iyo Waxyaabaha uu ka kooban yahay

1

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa faah-faahino dheeraad ah ka bixiyey heshiiska 20-ka xildhibaan ah ee dowladdu la gashay maanta Ururka Ahlu-Sunna.

Wasiir Sabriye ayaa Caddeeyay in  Ahlu-Sunna ay soo xuli doonto 20 xildhibaan, halka 69-ka kale ay soo xuli doonaan odayaasha beelaha.

Waxaa sidoo kale  Ahlu-Sunna ay ku heshiiyeen in si miisaaman oo qaab beeleed ku dhisan loo qeybiyo 20-ka xildhibaan ee Ahlu-Sunna laga siinayo baarlamaanka Galmudug.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ilaalin doonto heshiiskii beelaha ee lagu dhisay Maamulka Galmudug 2015-kii,islamarkaana aysan jirin Cid la siin doono wax dheeraad ah.

Sabriye ayaa sidoo kale xusay in si deg deg ah loo bilaabi doono soo xulista Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug,islamarkaana Caqabadda hor taagneyd ay aheyd Khilaafka Ahlusunna iyo Galmudug.

10 ku laabo mudug24 xiriir

1 COMMENT

  1. Ehlusunna iyo President Gabre midna wakiil kama beelaha dega Galmudug. 11ka Beelood ee dega Galmudug waa iney u qeybsadaan xildhibaanada Si garba siman

    89/11 =. 8. Xildhibaan. Halka Xildhibaan soo haray waa in loogu daro Qabiilka ugu badan sida tusaale ahaan Ceyr. I taas markii la helo kaddib mas’uuliyaddu waxay Ku wareegeysaa Beelaha iyagaa laga rabaa 8 Xildhibaan sideey Ku keensan lahaayeen

    Inta Ehlusunna iyo President Gabre meesha dhex taagan yihiin waa jugjug meeshaadii joog mana dhici karto Qabiil kasta inuu isagu xildhibaanada soo xusho. Waa Mission Impossible. Get rid of Ehlusunna. Get rid of President Gabre. If not the circus goes on with no result

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here