Home Wararka Maanta Maxkamada Ciidamada oo Qaab Cajiib ah Saakay u toogatay 4 askari ...

Maxkamada Ciidamada oo Qaab Cajiib ah Saakay u toogatay 4 askari Ciidamada Dowlada ka Tirsanaa

0

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saaka oo Khamiis ah tiirka geysay, kadibna xukunka dilka ku fulisay illaa 4 askari oo ka tirsanaa noocyada kala duwan ee ciidamada dowladda Somalia.

Afarta askari ee la toogatay ayaa ka kala tirsanaa talisyada milatariga, Booliska iyo Nabad Sugidda, kuwaas oo loo heystay dilal ay horey u geysteen.

Afarta askari ayaa kala ahaa:- 1-Bukhaari Cawil Maxamuud oo NISA ka tirsanaa, 2-Cali Maxamuud Xuseen oo Military-ga ka tirsanaa, 3-Cabdirisaaq Axmed Mukhtaar oo Booliska ka tirsanaa, 4- Maxamed Nuur Sheikh Warre oo isna Boliiska ka tirsanaa

Dhammaantood ayaa waxaa lagu soo eedeeyay inay horey u dileen askar kale oo ahaayeen saaxibo shaqo wadaag ah, sida ay shaacisay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Fagaaraha lagu toogatay askartaan ayaa waxaa ku sugnaa saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo sidoo kale askar kamid ah ciidanka amniga oo dilka fuliyay.

Sidoo kale waxaa toogashada lagu fuliyay askartan aad usoo dhaweeyay ehellada marxuumiintii ay horey u dileen oo muddo sugayey cadaaladda ay maanta heleen

Dhanka kale Maxkamadda Ciidamada ayaa markale digniin u diray askarta dowladda ee dilal ka geysta Muqdisho iyo deegaanada kale ee ka howlgalaan, ayada oo fartay inay ku ekedaan shaqadooda oo ah ilaalinta amniga iyo u adeegida dadkooda iyo dalkooda.

Horay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sidaan oo kale xukuno dil ah ugu fulisay askar dilal u geystay dad shacab ahaa, iyo kuwa kale oo dhexdooda is rasaaseeyay.

Ad
Previous articleDarawalka Wasiir Ka Tirsanaa Dowlada iyo Gaari uu La Goostay oo Alshabaab u Galay lana Soo bandhigay(Sawiro)
Next articleKu dhawaad 4 saac oo la baarayey guriga madaxweynaha Maraykanka maxaa laga helay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here