Home Wararka Maanta Meydka aabe Cali xuseen Jibril oo la helay kadib markii labo bilood...

Meydka aabe Cali xuseen Jibril oo la helay kadib markii labo bilood kahor la waayay

0

Cali xuseen Jibril oo ka mid ahaa wax garadka Soomalida lana la’aa tan iyo bilowgii bishii December ayaa galbta maydkiisa laga helay koofurta magaalada Edmonton ee gobalka Alberta.

Ciidamada booliska ee Edmonton oo tan iyo markii ninkaan la waayay waday baadi-goob ayaa ehelada Ali Hussein u sheegay in ay heleen maydkiisa oo gaari ku dhex jira.

Lama garanayo nooca gaarigu yahay iyo waxa ka danbeeya dilkiisa toona, waxaana ciidamada boolisku wadaan baadhitaan arrintaas kusaabsan.

Bilowgii bishii December ayaa ninkaan la waayay kadib markii uu carruurtiisa geeyay iskuul aan ka fogayn gurigiisa, waxaana markaa kadib gurigiisa hortiisa laga helay gaarigiisii iyo telephone-kiisii.

Arrintaan ayaa noqotay mid ku cusub somalida kunool Edmonton iyo guud ahaan Canada, waxayna ku abuurtay argagax iyo cabsi.

Ilaa hadda bulshada Somalida ah ee kunool Edmonton ayaa ka warsugaya natiijada kasoo baxda baadhitaan, waxayna sheegeen inay la xiriireen booliska balse wax faah faahin ah oo ku aadan cidda ka dambaysay dilka ninkaan aysan ciidamadu la wadaagin.

Cali Xuseen, wuxuu ka tagay saddex caruur ah iyo hooyadood, wuxuuna Canada kunoolaa in ka badan 20 sano sida qaar ka mid ah qaraabadiisu u sheegeen BBC-da.

Ad
Previous articleErdogan ” Sweden Yaysan Sugin Ku biirista NATO inta ay Ogolaaneyso Gubista Quraanka
Next articleDarawalka Wasiir Ka Tirsanaa Dowlada iyo Gaari uu La Goostay oo Alshabaab u Galay lana Soo bandhigay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here