Home Wararka Maanta Dagaal Culus oo dhexmaray Ciidamada Nabad sugida iyo Beelkamid ah kuwa Daga...

Dagaal Culus oo dhexmaray Ciidamada Nabad sugida iyo Beelkamid ah kuwa Daga hiiraan oo Ka dhacay Hiiraan

0

Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dagaal xooggan oo saaka ka dhacay deegaanka Beergidiid ee gobolka Hiiraan.

Dagaalkan oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa mid dhexmaray ciidamo ka tirsan Nabadsugidda gobolka Hiiraan iyo ciidamo maleeshiyaad ah.

Maleeshiyaadka oo qaab qabiil u abaabulna ayaa lagu soo waramaya inay ka careysnayeen dad ehelkooda ah oo saldhiga deegaankaasi lagu xiray, kuwaasi loo haysto arrimo la xariira dhac gaadiid.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalka uu yimid kadib markii ciidanka maleeshiyaadka ah ay weerar kusoo qaadeen saldhiga deegaanka, si ay u soo furtaan dadka ugu xirna halkaasi.

Illaa hadda waxaa la xaqiijiyay in dagaalkaasi uu ku dhintay hal ruux, halka ay ku dhaawacmeen saddex ruux oo kale.

Xaaladda deegaanka lagu dagaalamay ayaa hadda ah mid degan, kadib markii ay odayaal iyo waxgarad ay ku soo baxeen shaqaaqadan, ayna kala dhex galeen labada dhinac ee saaka halkaasi ku dagaalamay.

Arrintan ayaa imaneysa xilli maalmihii lasoo dhaafay ay deegaanada gobolka ay kusoo badanayeen kala dhaca gaadiidka, taasi oo hadda muuqata in ciidanka dowladda ay wax ka qabashadeeda soo fara-galiyeen.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan iyo Taliska xoogga oo ka codsaday Mareykanka inuu ka Caawiyo..(Sawiro)
Next articleMilatariga Isreal oo waqooyiga magaalada Gaza ku daadiyay warqado Codsi ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here