Home Wararka Maanta Villa Somalia oo ka hadashay Eedeen doorashada ku saabsan oo loo soo...

Villa Somalia oo ka hadashay Eedeen doorashada ku saabsan oo loo soo jeediyay

0

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa aad Baraha Bulshada loogu hadal haayay in dowladda Turkiga ay Soomaaliya siisay diyaarado nooca aan duuliyo laheyn ama Madaxweyne Farmaajo uu dhigiisa Turkiga weeydiistay, balse waxaa warkaasi beenisay Villa Soomaaliya.

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Cabdirashiid Maxamad Xaashi ayaa sheegay in kulankii ay yeesheen Madaxweynayaasha Soomaaliya & Turkiga kaliya looga hadlay Amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab, isaga oo beeniyay in Madaxwyene Farmaajo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ka codsaday Madaxweynaha dalkaas Rajab Dayib Erdogan.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Dowladda Turkiga ay qalabeyn xoog leh ku sameysay Ciidamada xoogga dalka oo meeshii ugu wanaagsaneyd maraya, isla markaana Turkiga uu yahay dalkii ugu horreeyay ee ka caawiyay Soomaaliya arrimaha amniga, kaasina uu yahay mid aan qarsooneyn.

Isaga oo sii hadlayay Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamad Xaashi waxaa uu sheegay in dowladaha Soomaaliya & Turkiga ay ka mideysan yihiin in meel looga soo wada jeesto lanala dagaalamo Ururka Al-Shabaab ulana mid yihiin sida dowladaha Caalamka ula dagaalsan yihiin Al-Shabaab.

Dowladda Turkiga ayaa waxaa ay Soomaaliya ka caawisaa dhinaca dib u dhiska Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana ay dalkeeda ku tababartay Saraakliil & Ciidamo farabadan, sidoo kalena ay Soomaaliya siisay hub iyo Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan.

Ad
Previous articleCiidamada Galmudug oo goordhow Gaaray Degmada Matabaan iyo Qax ka Bilowday Degmadaas
Next articledoorashada Kuraas kamid noqonaya Golaha shacabka gaar ahaan kuraasta gobolada Waqooyi.oo kabilaabatay Magaalada Moqdishu

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here