Home Wararka Caalamka doorashada Kuraas kamid noqonaya Golaha shacabka gaar ahaan kuraasta gobolada Waqooyi.oo ...

doorashada Kuraas kamid noqonaya Golaha shacabka gaar ahaan kuraasta gobolada Waqooyi.oo kabilaabatay Magaalada Moqdishu

0

Waxaa goordhaw Dugsiga tababarka ciidanka booliiska ee Janeraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho ka bilaabatay doorashada afar kursi oo kamid noqonaya Golaha shacabka gaar ahaan kuraasta gobolada Waqooyi.

Kursigii ugu horeeyay oo doorashadiisa ka dhacday Dugsiga Janaraal Kaahiye ayaa waxaa saakay ku tartamaya Musharax xildhibaan mudane Jaamac Maxamed Askar iyo Musharax xildhibaan Aadan Axmed Nuur Haybe.

Natiijada kursigan oo ahaa mid horey loo sii ogaa natiijadiisa ayaa waxaa ku guuleestay Jaamac Maxamed Askar oo loogu codeeyay qaab gacan taag ah, kadib markii uu tanaasulay musharaxii la tartamayay oo malxiis ahaan ula socday.

Xildhibaankan goordhaw lagu doortay magaalada Muqdisho ayaa kamid ah xulufada Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed, kaa oo saameyn badan ku leh Xildhibaanada gobolada Waqooyi ee lasoo saarayo.

Ad
Previous articleVilla Somalia oo ka hadashay Eedeen doorashada ku saabsan oo loo soo jeediyay
Next articleBaraha bulshada Caalamka ayaa marqura Waxaa qabsatay Gabar U dhalatay Dalka Ciraaq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here