Home Wararka Somaliya Somaliland Somaliland oo war cusub kasoo saartay walaaca ay mucaaradka ka muujiyeen qorshaha...

Somaliland oo war cusub kasoo saartay walaaca ay mucaaradka ka muujiyeen qorshaha xukuumadda ee kala horeynta doorashooyinka.

0

Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa war cusub kasoo saartay walaaca ay mucaaradka ka muujiyeen qorshaha xukuumadda ee kala horeynta doorashooyinka.

Xukuumadda ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay go’aanka uu guddiga doorashooyinka Somaliland ka gaaro doorashooyinka muranka dhaliyay, kadib markii ay soo baxday inay gadaal ka riixeyso qorshe lagu soo hormarinayo doorashada ururrada.

Mucaaradka ayaa doonaya inay soo horreyso doorashada Madaxtooyada Somaliland, halka xukuumadda iyo xisbiga tallada haya iyo weliba ururrada cusub ee siyaasadda ay doonayaan inay soo horeyso doorashada ururrada.

Bayaan kasoo baxay kal-fadhigii 113-aad ee Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu caddeeyay in guddiga doorashooyinka oo kali ah ay awood u leeyihiin cayimida waqtiga doorashooyinka.

“Goluhu waxa uu isku raacay in xukuumaddu marwalba diyaar u tahay jadwalka doorashooyinka ee ay soo saaraan Komishanka Doorashooynka Qaranku oo ah hay’adda keliya ee awood sharci u leh cayimaadda wakhtiga la qabanayo doorashooyinka,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Golaha Wasiiradda Somaliland.

Arrintaan ayaa imaneysa xilli uu markale cirka isku sii shareeray khilaafka doorashooyinka Somaliland, ayada oo xisbiyada mucaaradka ay meel adag iska taageen warqad ay guddiga doorashooyinka u gudbiyeen maxkmadda sare, taasi oo looga dalbaday fasiraad sharci ah.

Mucaaradka ayaa waxay uga digeen maxkamadda in ay Somaliland ku rido god mugdi ah, xilli ay xaalad adag oo amni iyo siyaasadeed ka taagan tahay gudaha Somaliland.

Si kastaba, Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa caddeeyay inay ku dhawaaqi doonaan sida ay doorashooyinka u qabsoomayaan, kadib marka ay fasiraad sharci ka helaan maxkamadda.
Ad
Previous articleCiidamo Danab oo howlgal ka fuliyay Deegaanno Al Shabaab ku Sugnaayeen (Sawirro)
Next articleMucaaradka Kenya oo Markale Dib u Bilaabay Banaan Baxyo ka Dhan ah Ruto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here