Home Wararka Somaliya Somaliland Sarkaal iyo ciidamo ka goostay Somaliland oo ku biiray Jabhada SSC

Sarkaal iyo ciidamo ka goostay Somaliland oo ku biiray Jabhada SSC

0

Sarkaal iyo ciidan uu wato oo kasoo goostay Somaliland ayaa ku biiray ciidanka Jabhada SSC ee gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Taliyaha Jabhada SSC Cabdi Madoobe ayaa ciidankan iyo sarkaalka horkacayay kusoo dhaweeyay Jabhada SSC, waxayna ku biirayaan dagaalka looga soo horjeedo xukuumadda Somaliland ee ka socda xarunta gobolka Sool ee magaalada Laascaanood.

“Caro-wayn qaybna Jabhada ayaa ka daganayd qaybna ciidamada deegaanka ee Somaliland ka mushaar qaata. Waxaanu ku guulaysanay in labadii ciidanba ay hal ciidan isku noqdaan,” ayuu yiri Taliyaha Jabhada SSC Cabdi Madoobe.

Taliyaha ayaa waxa uu ku bogaadiyay Kornayl Maxamed Deeq oo ah sarkaalka horkacayay ciidanka ku biiray Jabhada SSC, inuu la dareen noqday dadkiisii iyo deegaankiisii, uuna kasoo horjeestay duulaanka lagu yahay dhulkooda, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in aanay meel iska fadhiyi doonin ee ay dagaalami doonaan, “Waa soo dhamaatay waan-waan kasta oo la doonayay in dagaalka lagu joojiyo, waxaan galaynaa halgan, iska fadhiyi mayno,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Saraakiil kale oo ka hadlay munaasabadda lagu soo dhaweynayay ciidanka kasoo goostay Somaliland yaa dhankooda sheegay inay rabaan in ay weeraraan magaalada Caynaba, ayna wixii ka dambeeya ay xabad isticmaalayaan.

SSC ayaa sidoo kale waxay goobo kala duwan uga sugan taahy gobolka Cayn, tan iyo markii la aas-aasay oo ay isku fidineysay deegaanadaas, waxayn dagaal adag kula jirta xukuumadda Somaliland.

Si kastaba, Dagaalka ka socda xarunta gobolka Sool ee Laascaanood ayaa qaatay in ka badan saddex bilood, wuxuuna barakiciyay boqollaal kun oo qof, ayada oo sidoo kale boqollaal kale ayaa ku naf waayeen, illaa iyo haddana majirto wax ifafaalo ah oo muuqata  in dhinacyadu xabada ku joojinayaan, iyada oo ay fashilmeen waan-waan iyo dhex-dhexaadin la xiriirtay arrintaan.
Ad
Previous articleMucaaradka Puntland oo Ka Horyimid Go,aan Culus oo Deni Damacsanaa
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Maleeshiyaad Hubaysan oo Xalay Dad ku laayay Deegaano Ka Tirsan Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here