Home Wararka Somaliya Galmudug Wararkii ugu Danbeeyey Maleeshiyaad Hubaysan oo Xalay Dad ku laayay Deegaano Ka...

Wararkii ugu Danbeeyey Maleeshiyaad Hubaysan oo Xalay Dad ku laayay Deegaano Ka Tirsan Galmudug

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay maleeshiyaad hubeysan ay weerar ka geysteen waqooyiga gobolkaas oo hoostaga dowlad goboleedka Galmudug.

Weerarka oo ka dhacay tuulada Indha Kayd doo hoostaga deegaanka Huurshe ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, sida aan xogta ku helnay.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sidoo kale innoo sheegay in maleeshiyaadka weerarka geystay ay beegsadeen dad xoolo dhaqato ah oo ku sugnaa halkaasi.

Inta la xaqiijiyay waxaa falkan ku dhintay ugu yaraan saddex qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo kamid ah dadka deegaanka.

Maleeshiyaadka ka dambeeyay dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay goobta isaga baxsadeen, waxaana haatan xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in xiisad colaadeed haatan laga dareemayo duleedka deegaanka Huurshe oo ah meesha uu weerarka ka dhacay.

Falkan ayaa lala xiriirinayaa dilalka aanooyinka qabiil ee inta badan ka dhaca gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha laamaha ammaanka iyo madaxda sare ee Galmudug oo ku aadan dhacdadaasi.

Gobollada Dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa inta badan kusoo laa laabta dagaal beeleedyada iyo dilalka la xiriira aanooyinka qabiil ee ay isku geysanayaan maleeshiyaadka xoola dhaqatada ah ee ku dhaqan gobolladaasi oo haatan la’isku yiraahdo Galmudug.

Ad
Previous articleSarkaal iyo ciidamo ka goostay Somaliland oo ku biiray Jabhada SSC
Next articlePuntland oo Jawaab Culus ka Bixisay Eedeyntii Shalay uu Jeediyay Madaxweyne Xasan Shiikh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here