Home Wararka Maanta Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo awaamiir kasoo saaray dhismeyaasha cusub ee Muqdisho kasib...

Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo awaamiir kasoo saaray dhismeyaasha cusub ee Muqdisho kasib Dabaqii Soo dumay

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen (Madaale) ayaa ka hadlay dhacdadii dhowaan ay ku dumeen dhismeyaal cusub oo ku yalla suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa yiri “Injineerrada dowladda hoose ayaa kontoroolaya dhisma kasta oo gobolka ah, wixii la dhisaayo waa in la hor taagnaado si loo helo cid mas’uuliyaddeeda qaadata, Waad aragteen waxa aan laga war heynin oo aan la‘iskula xisaabtameynin berri waxa ka imaanaya haddii kale dadku waxay noqonayaan looma ooyaan, waad aragteen dhismayaasha soo dumay iyo laamiyada ay biyuhu qaadeen mana ahan wax loo dulqaadan karo”.

Saddex qof oo dumar ah ayaa ku dhintay dhismayasha dumay oo midi ahaa 9 biyaano, halka kan kalena uu ahaa 4 biyaano, oo ku yaalla Suuqa Bakaaraha ee degmada Howlwadaag.

Labada dabaq ayaa ku dul habsaday guri fillo ah, waxaana guriga deganaa qoys ka kooban shan qof oo saddex ay ku dhimatay.

Ad
Previous articleDarawal Mooto oo 1 Dollar dartiis loogu dilay iyo Banaanbax ka dhashay
Next articleMaxaa ka jira inuu Facebook kasoo hadlay taliye Shaah-macabe?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here