Home Wararka Maanta Darawal Mooto oo 1 Dollar dartiis loogu dilay iyo Banaanbax ka dhashay

Darawal Mooto oo 1 Dollar dartiis loogu dilay iyo Banaanbax ka dhashay

0

Askari ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska ayaa goor dhow degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay mid kamid ahaa dhallinyarada ku shaqeysata Mootada laba lugaaleyda ah ee loo yaqaano Fekomta.

Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in Askariga uu darawalka u dilay muran la xiriira lacagta Canshuurta ee sida billaha ah loogu qaado dadka ku shaqeysta Moto Fekomta ee degmada Afgooye.

Askariga ayaa la tilmaamay inuu darawalka u dilay lacag dhan ah Hal Dollar oo kaga harsaneyd lacagta Canshuurta ee laga qaadayay darawalka oo lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Suleyman Ahmed Mohamed kuna Magaca dheeraa Shandheere .

Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa durbadii ka baxsaday Askarigii Booliska ahaa ee dilka geystay, waxaana durbadii halkaas isugu soo baxcay dadka ka careysan Dilka marxuunka.

Banaanbax xooggan oo ay dhigayaan dadkaasi ayaa ka socda degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoona taayaro waaweyn ku gubaya wadada laamiga ah ee u dhow Buundada degmadaas.

Ad
Previous articleWaare oo uga digay madaxweyne Xasan in uu la safro Wasiirkiisa Gaashaandhiga
Next articleGudoomiyaha gobolka Banaadir oo awaamiir kasoo saaray dhismeyaasha cusub ee Muqdisho kasib Dabaqii Soo dumay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here