Home Wararka Maanta Maxaa ka jira inuu Facebook kasoo hadlay taliye Shaah-macabe?

Maxaa ka jira inuu Facebook kasoo hadlay taliye Shaah-macabe?

0

Waxaa saacado kahor qoraal lasoo dhigay akoonka barta Facebook oo uu ku qoran yahay magaca Korneel Mukhtaar Xasan Tifow oo ku magacdheer (Shaah-macabe), kaasoo lagu la’yahay dagaal ka dhacay qeybo ka mid ah Gobollada Dhexe oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kooxda al-Shabaab.

Shaah-macabe oo ah Taliyaha Guutada 25-aad ee ciidamada Xoogga dalka ayaa nolol iyo geeri lagu waayay, kadib weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo ku yaalla deegaanka Cowswayne ee gobolka Galgaduud, kaas oo geystay khasaare xoogan.

Bartan oo la sheegay inuu taliyaha leeyahay ayaa lasoo dhigay qoraal muujinaya inuu nabad qabo.

Jawaahir Baarqab oo ah guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir, isla markaana ay ehel dhow yihiin Taliye Shaah Macabbe oo aan la hadalnay ayaa sheegtay inaysan ilaa iyo haatan wax war ah ka heynin taliyaha.

“Waxaan xaqiijinayaa in laga jabsaday barta Facebook, asaga maaha waxa qoraalka soo dhigay, warna kama heyno” ayay tiri.

Jawaahir ayaa sheegtay in laga yaabo in dad doonaya inay ku qaraabtaan magaciisa ay jabsadeen bartiisa oo ay qoraalkanna soo dhigeen.

“Dad baa jira ku qaraabanaya oo laga yaabo inay lacag uga uruursanayaan dadka,” ayay intaas raacisay.

Ad
Previous articleGudoomiyaha gobolka Banaadir oo awaamiir kasoo saaray dhismeyaasha cusub ee Muqdisho kasib Dabaqii Soo dumay
Next articleDF Soomaaliya oo sheegtay 50 ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay Shabeellaha Hoose

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here